Ra’iisul Wasaaraha oo codsaday in la siiyo 10-maalmood oo dheeri ah iyo buuq ka dhashay

0
935

Barlamaanka20141115Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo haatan khudbad ka jeedinayay Fadhiga Baarlamaanka ayaa codsaday in la siiyo 10-maalmood oo dheeri ah, si uu u soo dhameystiro Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirada uu soo magacaabay aanay ku lug laheyn dhinacyada isku hayay siyaasada iyo khilaafyadii.

“Waxaa idinka codsanayaa, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag inaad i siisaan 10-cisho oo dheeraad ah, si aan ku soo dhameystiro Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hor hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka

Intaas kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kudlooyinka waxay buuq kala hortageen khudbadii Ra’iisul Wasaaraha, markii uu hadlay, isla markaana uu dalbaday in la siiyo 10-maalmood oo dheeraad ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay is dejiyaan oo ay dhageystaan Khudbada Ra’iisul Wasaaraha, waxaana durbaba kala hor-yimid buuq iyo Xildhibaano ku qeylinayay ma ogolaaneyno, ma yeeleyno.

“Ra’iisul Wasaaraha aan fasaxno, ajnadaha aan ka hadalno, buuqa aan joojino, hala aamuso, is dejiya”ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagoo hadlayay ay qeylinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa markii dambe ka baxay hoolka, markii uu dhameystay khudbadiisa, iyadoo Xildhibaanada ay buuqayeen.

Xildhibaanada ayaa ku doodayay in ajandaha shirka aanu ku jirin codsiga Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ajanduhu ahaa horkeenida Xukuumada iyo barnaamijkeeda.

Kulanka oo xaalad buuq ah ku jiro ayaa wali wax go’aan ah laga soo saarin, iyadoo maanta ay Xildhibaanada ay sugayeen in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo kulanka uu ka daahay waqtiyadii horay loo furi jiray, hadana Xildhibaanada Baarlamaanka waxay u muuqdeen kuwo aad u dhowrayay horkeenida Xukuumada cusub iyo cod u qaadisteeda.

Jowhar