R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo Baarlamaanka ka dalbaday arin dood badan dhalisay

0
958

CumarCabdirashiid20141224_1Iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in maalinta Birito ah Baarlamaanka Somaliyeed uu cod u qaadi doono Xukuumada Cusub ayaa waxaa goordhaw soo baxay war sheegaya in R/wasaaraha uu dalbaday in dib loogu dhigo.

R/wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isaga oo u gudbiyay warqad gaar ah taasi uu ku codsanaayo in cod u qaadista xukuumada la gaarsiiyo illaa iyo 5 bisha Feb.

R/wasaaraha ayaa ku doodaayo in shantaas maalin uu ku soo dhameystiri doono golaha Wasiirada oo ay ka dhiman yihiin Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaan oo aanay wali la magacaabin.

Si kasta maanta ayay ku egeyd 14 maalmood ee uu qabsaday R/wasaare Cumar waxaana laga rabaaa in maalinta birito ah uu xukuumada horkeeno Baarlamaanka, laakiin waxa ay u badan in dib loo dhigi doono.

Balad