R/wasaarha DF Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa bilaabay qorshihii ugu danbeeyay uu ku soo xulaayo Golihiisa Wasiirada cusub isaga oo ku wargaliyay qaar ka mid ah xubnihii uu horay u soo xulay in xilkooda ay waayeen.
R/wasaare Cumar ayaa M/weynaha kala tashtay arinka ku aadan in uu xilka ka qaadayo laba ka mid ah xubnaha ku dhaw dhaw M/weynaha kuwaas oo kala ah Faatax C/qaadir iyo C/llahi Sanbaloolshe labadaas oo ah shaqsiyaadka uu muranka xoogan ka taagan yahay.
M/weynaha ayaa R/wasaaraha ku cadaadiyay in Faarax uu yahay laba taabtaan balse loo baahan yahay in C/kariim Guuleed laga reebo Wasiirada halak Farax xilkiisa loo deenaayo, laakiin beesha C/kariim Guuleed ayaa ku adkeysaneysa in iyaga uu matalo okaliya Wasiir Guuleed.
Dhanka kale R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa ku dhawaad 10 kale oo Wasiiradiisa ka mid ah ku badalay xubno ka tirsan Baarlamaanka uu isla lahaa cod ayaad ku helli karta in Wasiiro aad ka dhigto waxaana la sheegay in ay ka mid yihiin qaar ku jira Kutlada.
Ugu danbeyntii xubnaha ku dhaw dhaw R/wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Sabtida soo xulitaanka uu dhameyn doono R/wasaaraha ka dibna uu ku wargalin doono in Wasiirada cod ay ka keensadaan Xildhibaanada si loo ansixiyo.
Xafiiska R/wasaaraha ayaa lagu arkaya Xildhibaano aad u tiro badan oo gudaha u galaayo kuwaas oo iyagana xildoon ah balse R/wasaaraha ayaa Xildhibaan kasta waydiiya tira cod ee uu ka helli karo Xildhibaanada marka la ansixinaayo.
Balcad