Uganda oo ka cabaneysa magdhow aan laga siin askartii uga dhimatay Soomaaliya

0
784

AmisomDowladda Uganda ayaa si cad u muujisay in aysan ku qanacsaneyn dib-u-dhac ku yimid lacag magdhow ah oo la siin lahaa qoysaska askartii lagu dilay howlgalka Soomaaliya iyo qalabka milateri oo ay ku weysay howlgalka AMISOM oo ay maalgeliso Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay wasiirka gaashaandhigga Uganda, Dr. Crispus Kiyonga Uganda weli ma aysan helin magdhowga askartaas iyo qalab ay ku jirto diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ku burburtay dalka Kenya sanadkii 2012-kii xilli ay ku sii jeeday Soomaaliya, waxaana dhacdadaas ku dhintay toddobo askari.

Wasiirka wuxuu ka hadlayay furitaanka shir looga hadlayay qorshaha AMISOM ee sanadka 2015, oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Midowga Afrika, taliyeyaasha ciidamada ee dalalka Soomaaliya u diray howlgalka AMISOM, kaasoo lagu qabtay hotel Sheraton ee magaalada Kampala.

Saraakiisha Midowga Afrika ee ka qeyb galay shirka kama aysan hadlin codsiga magdhowga ah ee dowladda Uganda, waxayna sheegeen in aysan awood u lahayn in ay ku hadlaan magaca Midowga Afrika.

Bar-kulan