Wadada Halboolaha u ah Muqdisho oo Saakay gabi ahaanba xiran iyo Ciidamo wata Gaadiidka gaashaman oo lagu soo daadiyay wadooyinka

0
1084

MakaMukaramaRoadCiidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxa ay Saakay xireen Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoona isticmaalka wadadaasi ka mamnuucay Isusocodka Gaadiidka yar yar iyo kuwa BL-ka.

Ciidamada ayaa waxa ay Saakay si weyn u xoojiyeen ammaanka Magaalada Muqdisho, iyagoona soo dhoobtay wadooyinka ugu muhiim Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda oo si aad u feejigan ayaa waxaa lagu arkayaa laga soo bilaabo Garoonka Aadan Cadde, wadooyinka KM4, Maka Al-Mukarama, Dabka, Shaqaalaha, Sayidka iyo dhammaan wadooyinka ku teedsan Madaxtooyada Somaliya, iyadoona aan la garaneynin sababta wadooyinkaasi loo xiray, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku sugan yihiin Wafdi heer sare oo ka socda Midowga Afrika.

Ciidanka Amaanka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in baaritaano adag ay marsiinayaan gaadiidka gaarka loo lee yahay, ee adeegsanaaya wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho.

Warar aan la hubin ayaa sidoo kale sheegaya in maanta oo Khamiista, ayaa waxaa la soo sheegayaa in Magaalada Muqdisho ay ku soo fool lee yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleed Igad, oo toddobo wadan ka kooban, si Jimcaha ay kulan ugu yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Warar kalana waxay sheegayaan in maalinta Sabtida ah ay imaan doonaan Caasimadda, isla-markaana ay ku yeelanayaan kulankoodii ugu horeeyay, muddo 24 sano ka dib.

AllBanaadir