Wararka laga helaayo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in illaa 4 askari ay dhaawacyo kasoo gaareen weerar bambaanooyin oo lagu qaaday saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Sida ay xaqiijiyeen taliska ciidanka Booliiska Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in labo ka mid ah askarta dhaawacantay uu dhaawacooda fududyahay, halka labada kale la dhigey isbitaalka kuwaas oo hadda la daaweenaayo.
Kooxihii Bamka tuuray ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen mana jirto illaa iyo hada cid loo soo qabtay falkaan,waa weerarkii labaad oo Boosaaso ka dhaca muddo labo cisho ah gudahooda.
Dagaalka Buuraha Galgalo ee gobolka Bari ayay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana loo badinayaa in Bam gacmedkan uu daba socdo dagaalka Galgala ka socda.
Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso waxaa ku jira dad badan oo maxkamad sugayaal ah, balse maxaabiista wax soo gaaray lama soo sheegin illaa iyo hadda.
Balcad