Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Xasan uu ku jahwareersan yahay qaabka uu u kala xalin lahaa Sii haayaha wasaarada Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo C/llahi Sambaloolshe oo isaguna horay usoo ahaa Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somalia.
Labadaani Mas’uul oo hal beel kasoo wada Jeeda, ayaa waxa ay u wada tartamayaan ka mid ahaanshaha Xukuumada Cusub, iyadoona uu mid waliba uu kulamo gaar ah la qaadanaayo tiro Odayaal si ay uga helaan taageero, balse nasiib daro Madaxweyne Xasan oo arrintaani ku wareersan ayaa waxa uu labada Mas’uul faray in midkood loo soo Ogolaado in Xubinta beeshiisa loo magacaabo.
Beesha Xawaadle, ayaa iyaduna ku jah-wareersan oo ku kala qeybsan qofkii ay xulan lahaayeen, waxa ayna xubintooda la damacsan yihiin inay usoo wakiishaan Siyaasi kale, balse waxaa taasi hortaagan Madaxweyne Xasan oo isagu aan jecleysan in xilkaasi laga fogeeyo Labada mas’uul midkood.
Xulashada Labadaasi Mas’uul ee xilka isku heysto midkood, ayaa waxa ay hortaala Odayaasha Beesha, inkastoo Madaxweynaha uu ku jahwareersan yahay, maadama hal wasaarad aysan labadaani u qeybsamin.
Wwaxaan la saadalin karin halka ay arrintaani ku biyo shuban doonto, iyadoona madaxweynaha looga fadhiyo in labadaani Mas’uul midkood uu xukuumada cusub kusoo daro. Labada mas’uul ayaa si aad ah ugu dhow madaxweynaha, inkasta oo Sambaloolshe ay qaraabo xagga hooyada ah yihiin.
Warkii