Xildhibaanada ku midoobay Kudlada Badbaado Qaran ayaa ku kala argti duwanaaday go’aankii ay ka qaadan lahaayeen Golaha Wasiirada Cusub uu dhawaan soo magacaabay Ra’izul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.
Xildhibaanadan oo shalay kulan ku yeeshay Hotel kuyaala Magaalada Muqdisho ayaa ku kala argti duwanaaday go’aankii ay ka qaadan lahaayeen Xukuumada Cusub, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada soo jeediyeen in ay codka siiyaan Xukuumada Cusub lana tijaabiyo waxqabadka ay la yimaadaan.
Waxaa fikirkaas mid ka duwan qaba Xildhibaano kale oo iyana sheegay in ay doonayaan in ay is hortaagaan Xukuumadan Cusub ay tilmaameen in aan lagala tashan sidoo kale ay ka buuxaan kooxo katirsan Ururdiimeed sida Damul Jadiid iyo Aala Sheekh.
Xildhibaano ay kamid ahaayeen Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag-dheer) oo ah Gudoomiyaha Kudlada Badbaado Qaran iyo Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Saaxiibadood in ay codka siiyaan Wasiirada Cusub loona kordhiyo R/Wasaaraha Waqtiga uu Xukuumada Baarlamaanka ku horkeenayo.
Waxaana hadalada Xildhibaanadan iyo kuwa ku fikir ahaa ka dhashay buuq, waxaana dhacday in Xildhibaanada Qaarkood si aan ganbasho laheen ay ugu eedeeyeen Xubnahan in ay badaleen fikirkooda kadib markii Golaha Wasiirada lagu soo daray rag qaraabo dhaw la ah.
Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa ugu dambeyn isku raacay in ay cod u qaadaan go’aanka ay ka qaadanayaan Xukuumada Cusub, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Xildhibaano ku daw 60-Xildhibaan.
Cod qaadis gacan taag ay sameeyeen Xildhibaanada Badbaado Qaran ayaa in kabadan 40-Xildhibaan waxa ay isku raaceen in ay kasoo horjeestaan Xukuumada Cusub ayna codka kalsoonida u diidaan, waxa ayna ugu hanjabeen Xildhibaankii iyaga katirsan ee fikirkiisa badala balantana uga baxa ay ka saari doonaan kudlada.
Dhinaca kale Xildhibaanada iyaguna ku bahoobay Kudlada Toosinta Talada Qaranka ayaa badankood waxa ay kasoo horjeedaan Xukuumada Cusub, waxa ayna sheegeen in aysan codka Kalsoonida siin doonin Xukuumadan aan lagu soo dhisin wadatashiga .
Waxaa sidoo kale soo baxay Koox Sadaxaad oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo u badan Xildhibaano kamid ahaa Golihii Wasiirada ee lakala diray kahor inta aan Baarlamaanka la horkeenin, waxa ayna Kooxdan iyana ay kasoo horjeedaan Xukuumadan Cusub.
Golaha Wasiirada uu soo dhisay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale wajahaya caqabad adag, waxaana laga yaabaa in ay weyso codka Kalsoonida Baarlamaanka hadii aan saacadaha soo aadan lakala afur furin Xildhibaanada is baheestay ee kasoo horjeeda Xukuumada Cudub.
Allbanaadir