Xildhibaanada ku bahoobay Kudlada oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu balanta uga baxay

0
1025

Barlamaanka20141224_3Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku bahoobay Kudlada loogu magac daray Ilaalinta iyo Badbaadinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu uga baxay balantii ay ku ansixiyeen oo aheyd inuu soo dhiso Dowlad wadaag.

Xildhibaan Bishaar Ugaas ayaa sheegay in horay iyaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ugu heshiiyeen in dowlad wadaag ay qeyb ka yihiin Kudladooda la soo dhiso, isla markaana balantaas uu uga baxay Ra’iisul Wasaaraha.

“Kudlada aan ku mideysanahaya waxay ka kooban yihiin ilaa 120 Xildhibaan, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu nooga baxay balanta, anagana waa uga baxnay, waxaa soo jeedineynaa in wali xal uu banaan yahay in dowlad loo dhan yahay la dhiso aan aan anagana ku jiro, si dalkan loo bad baadiyo, doorashana ka dhaqan gasha”ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas oo la hadlay Idaacada Risaala.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore ay ku heshiiyeen in Ra’iisul Wasaaruhu soo dhiso dowlad wadaag, taasna ay ku ansixiyeen, isla markaana ay wali uga fadhiyaan.

“Waxaa markii hore ku heshiinay oo aan ku ansixinay in dowlad wadaag la soo dhiso oo dalka dhan matasha, taas ayaan wali uga fadhinaa, anaga waxaa ka dalbanay %50 uu na siiyo kudladeena”ayuu yiri Xildhibaan Bishaar oo ka mid ahaa Xildhibaanadii difaacayay Xukuumadii dhacday ee Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wali la isku haayo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyadoo wali Ra’iisul Wasaaruhu laga sugayo inuu soo magacaabo, waxaana jira in Xildhibaanada Kudlada ah ay dalbadeen in Golaha Wasiirada lagu qeybiyo awood qeybsi ah labadii garab ee kala taageerayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo lix cisho ay ka harsan tahay bil kadib markii uu xilkan u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh 17-kii Bishii December ee sanadkii dhamaaday 2014.

Jowhar