Yaa ugu dhaw in uu qabto xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobolada Dhexe?

0
837

AxmedCabdisalaam20140517_1Iyadoo dhawaan lagu wado in Gobolada Dhexe loo sameeyo maamul goboleed u gaar ah ayaa waxaa soo baxaya musharaxiin badan oo xilkaan u taagan isla markaana doonaayo in iyaga mar uun laga dhigo M/weynaha maamulkaas.

Hadaba warar hoose oo ay heshay Balcad Media ayaa waxa uu xaqiijinayaa in M/weynaha maamulka Gobolada Dhexe uu noqon doono Axmed C/salaan Xaaji Aden kaasoo oo hadda ah safiirka u fadhiya Somalia dalka Itoobiya isla markaana u dhaw dalkaas.

Axmed C/salaan ayaa hadda waxa uu qaban qaabinayaa shirka Wasiirad Arimaha Dibadda IGAD oo birito lagu qaban doono Muqdisho, ka dib marka uu dhammaado ayuu wareejin doono xilka Safiirnimo ka dibna waxa uu isku soo taagi doono Madaxtinimada Gobolada dhexe sida ay inoo sheegeen xubno ku dhaw dhaw isaga.

Axmed Cabdisalaan waxa uu yahay siyaasiga ugu dhow Itoobiya ee ka soo jeeda gobolada dhexe sidaas darteedna uu saameyn balaaran ku leeyahay dhaq dhaqaaqa ka socda gobolada dhexe ee lagu diyaarinaayo maamul Goboleedka halkaas ka dhashay.

Balcad