Taliye Cusub oo loo Magacaabay Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir

0
1264

NabadsugidaWarar ay heshay Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ee Gobolka Banaadir Maxamed Adan Jimcaale (Koofi), iyo ku xigeenkiisa Cabdi Fataax Shaaweeye.

Col. Cabdi Xakiin Fareey oo mar soo noqday Taliyihii Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Cusub ee Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha Xilka laga qaaday ee taliska Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa Wararka aan heleyno sheegayaan in loo dhiibay xilal kale oo katirsan Taliska Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka waday howlgalo balaaran oo ay amaanka ku xaqiijinayeen, waxaana la filayaa in isbadalka cusub ee lagu sameeyay Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir ay soo kordhiso isbadal cusub.

Allbanaadir