6 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Buulo-jadiid, Bakool

0
770

Markacadeey.comUgu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Buulo-jadiid oo hoos taga degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo gacanta ku haysay deegaanka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka tirsanaa labada dhinac ee dagaallamay. Ma jiro wax khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow, Maxamed Cabdalla Xasan ayaa Bar-kulana u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaanka, isla markaana ay ku guulaysteen in ay la wareegaan gacan ku hayntiisa.

Deegaanka Buulo-jadiid ayay Al-Shabaab ku sugneyd muddo dhowr sano ah.

Bar-kulan