Bamb Gacmeed Qasaare Geeystay oo Goordhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha

0
1004

Bakaaraha20130908_1Wararka aanu hadda ka heleeyo agaarka Shirkada Hormuud ee Suuqa bakaaraha ayaa sheegaya in Goordhow halkaasi uu ka dhacay Bam Gacmeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka oo Bamkaasi u dhacay wararka qaar aan heleeyno ayaa sheegaya in bamkaasi lagu tuuray gaari nadiifinayay wadada.

Ciidamo aad ufarabadan oo katirsan dowlada ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo xiray wadooyinka soo gala Goobta bambku uu ka dhacay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qasaare kala duwan ay ka dhasheen halkaasi.

Warkii