Cabdi Qeybdiid oo sharci daro ku tilmaamay shirka Muqdisho uga socda Madaxweynaha iyo Madaxda Gobolada

0
952

CabdiQeybdiid20141220_3Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sharci daro ku tilmaamay shirka magaalada Muqdisho uga socda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

Cabdi Qeybdiid oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shirkaas uu xadgudub ku yahay dadka dega Gobolada Dhexe, isagoo xusay in shirkan aanu aheyn wax horay u qorsheysnaa, balse ay aheyd shir deg deg ah oo uu Madaxweynuhu ugu yeeray Muqdisho saddex Hogaamiye ka socda Maamul goboleedyada.

“Ma jirin wax qorsheysan oo la ogaa, kaliya shir deg deg ah oo uu Madaxweynaha ugu yeeray nimanka Maamulada madaxda ka ah ayuu ahaa, shirkaas anigu idaaadaha iyo warbaahinta ayaa ka maqlay, anagana shirka nalama casuumin, xamar baa joogna, waxaa u arkeynaa inuu kaliya arrin meel ka dhac ku ah shuruucda dalka”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Galmudug ay ka mid aheyd dhinacyadii horay u saxiixay Barnaamijkii Road Map-ka ee ay Kumeel gaarnimada looga baxay, dowladd rasmi ahna salka loogu dhisay, isla markaana Dastuurka wax ka sameeysay.

“Galmudug waxay ka mid aheyd dhinacyadii aas aasayaasha dowladda, ee saxiixay Road Map-kii KMG-nimada looga baxay, dastuurkana aan wax ka sameynay, waxaa u arkeynaa maanta waxa ka socda Xamar ee aayaha siyaasadeed ee dalka looga hadlayo arrin gef ah, mana aqoonsan doono wax alla wixii ka soo baxa, dadka halkaas fadhiyana ma wada matala gobolada oo dhan, wali gobolo ayaa ka maqan”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.

Sidoo kale Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya aanu wax qaas u ah aanu dalka ku maamuli karin, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in afartii maamul ee sameysnaa in saddex ka mid ah loo yeero, isagana aan lagu wargelin sida uu yiri.

Mar wax laga weydiiyay halka uu marayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, ayuu xusay in shirkaas uu hakad ugu jiro dowladda Federaalka, isla markaana tilmaamay in mushkilada ka taagan socodsiintana ay tahay in cidii garwadeenka ka aheyd aanay wali hogaamin shirka oo uu ugala jeeday dowladda Federaalka.

“Arrinta maamulada gobolada dhexe dadka gobolada dhexe waxay u diyaar garoobeen inay meel isugu yimaadaan meeshii gogosha la dhigay diyaar weeye, mushkilada ilaa iyo hada garwadeenkii shirka dowladda ka aheyd baa ka maqan, hadee waxay aheyd in arrintaas iyada ka shaqeyso sidii dadka meel la isugu keeni lahaa, arrinta laftirkeeda cabasha ayaa ka muujineynaa”ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Qeybdiid.

Waxaa uu kaloo sheegay in muddo sideed bilood laga joogo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, isla markaana aanu ilaa iyo hada heshiiskaas wax ka fulay aanay jirin, isagoo tilmaamay in AMISOM ay diiday in ciidamo ay geyso goobtii shirka ka socon lahaa, taasna ay ka mid tahay waxyaabaha shirka hakadka gelinaya sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa maalintii labaad waxaa uu wada hadalo uga socdaa Magaalada Muqdisho, iyadoo wada hadaladana ku saabsan yihiin aayaha siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 sidii doorasho uga dhici laheyd dalka.

Jowhar