Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo lagala wareegay Magaalada Guriceel iyo Xaalada oo wali kacsan

0
1421

ahlusuna20141213Wararka laga helayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus oo saakay ka qarxay halkaasi looga saaray Ciidamadii Dowlada Soomaaliya ee gacanta ku hayay Maamulida Magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa kuwaramaya in dagaalka uu hada qaboobay ayna Ciidamadii weerarka soo qaaday ee katirsanaa Ahlu Sunna ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta Magaalada Guriceel kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada Dowlada.

Waxaa wali jira xiisad dagaal iyadoona meelaha qaar laga maqlayo rasaas goos goos ah, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay mar kale kusoo rogaal celiyaan ciidamadii Dowlada ee laga saaray kuwaa uu soo gaarayo gurmadyo.

Dagaalka saakay ka qarxay Guriceel waxaa ka dhashay qasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan Karin qasaaraha kala gaaray labada dhinac iyo waliba dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamay.

Allbanaadir