Daawo Sawirada Ciidamada Dowlada oo soo bandhigay Rag dilalka Qorsheesan ka fulin jiray Muqdisho

0
1385

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa shalay ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan rag hubeesnaa kuwaa oo watay gaari yar, waxaana ragan lagu eedeeyay in ay kamid ahaayeen raga Dilalka qorsheesan ka fulin jiray Magaalada Muqdisho.

Ragan ayaa la qabtay shalay kadib markii ay weerar qorsheesan ku dileen Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada, waxaana ragan iyaga oo ku baxsan raba gaarigii ay wateen rasaas ku furay Ciidamo katirsan Dowlada oo ku guuleestay in ay gaariga ka reebaan.

Ciidamada Dowlada oo dabagal ku sameeyay ragan oo ka baxsaday goobtii ay shalay dilka ku fuliyeen ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan, waxaana ragan hada kusocda baaritaano ay ku sameenayaan Ciidamada Nabad Sugida.

Afhayeenka Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ragan shalay la qabtay ay ahaayeen ragii dhawaan Isgooska KM-4 ku dilay masuuliyiin katirsanaa Hay’ada Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Maxamed Yuusuf Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka oo isna ka hadlay ragan la qabtay ayaa sheegay in ay ku luglahaayeen Weerarkii dhawaan ka dhacay Isgooska KM-4 oo lagu dilay 4-qof oo sadax kamid ah ay ahaayeen saraakiil katirsanaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta waxa ay howlgalo balaaran kawadaan qeyo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxa ayna baarayaan gaadiidka kala duwan ee maraya Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Allbanaadir

HowlgalCiidankaDowlada20150219_3 HowlgalCiidankaDowlada20150219_2 HowlgalCiidankaDowlada20150219_1 HowlgalCiidankaDowlada20150219_5 HowlgalCiidankaDowlada20150219_4