Dagaal Beeleed Ka Socda Magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan

0
891

Beledweyne20131119Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi haatan uu ka bilawday dagaal u dhaxeeya beelo wada dega halkaasi.

Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne ayaa mar qura waxaa ka bilaabatay rasaas xoogan, iyadoona dagaalka uu kusii fidayo xaafadaasi.

Wariyaasha Warkii ee magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in rasaasta laga maqlayo meelo badan oo ka mid ah magaaladaasi, hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka iyo sidoo kale sababta ka dambeysay dagaalkaasi.

Warkii