Dagaal mar kale oo ka dhacey Degmada Gurceel

0
881

DagaalSaxardheer20140829Iyadoo maanta Dagaal Culus uu ka soconayay Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xaalada Magaalada

Gurceel ay degantahay islamarkaana Xabadii ay joogsatay.

Wariye Cabdi Fitaax Xasan Faarax oo ah Agaasimaha Radio Galgaduud ayaa Kulmiye u sheegay in hada Xaaladu ay degan tahah oo Xabadii ay qaboowday,waxaana uu intaa ku daray in Ahlusunna ay Guud ahaan Degmada Gacanta ku hayso.

Dagaalka Saaka Waabarigii bilowday ayaa la sheegay in ay ku Geeriyoodeen dad badan,iyadoona aan ilaa hada la ogeyn Khasaaraha Dhabtaa ee Dagaalka maanta.

Warkii