Degmada X/weyne oo saakay xaalad cusub ku jirta iyo dadka oo loo diiday in ay ka dukaameystaan

0
897

XamarWeyne1Wararka laga helaayo degmada X/weyne ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaas saakay ay ku waabariisatay xaalada cusub oo saameyn ku yeeshay isku socodka iyo dhaq dhaqaaqa degamadaas.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan DF Somalia iyo AMISOM ayaa xalay galinkii danbe ku dheelmaday X/weyne iyaga oo halkaas ka bilaabay baaritaan culus oo guri guri loo baarayay isla markaana dadka loo diiday in guryahooda ay kasoo baxaan.

Dhanka kale ciidamada ayaa diiday in degmada X/weyne ay soo galeen dadka isla markaana saakay ma jirin cid u soo dukaameysi tagtay suuqa weyn ee degmadaas maadaama baaritaanka uu socdo.

Gudoomiyaha degmada X/weyne C/qadir Max’ed C/qadir ayaa sheegay in baaritaankan uu yahay mid lagu xaqiijinaayo ammaanka degmada sidaas darteedna ay hakad u galiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha.

Illaa iyo hadda ayay socotaa Baaritaanka wax faah faahinah wali lagama soo bixin oo ku aadan dadka lagu soo qabtay.

Balcad