DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka oo Muqdisho lacag ku qeybsanaya

0
951

XasanSheekhAndRegionLeaders20150204Iyadoo shalay ay magaalada Muqdisho soo gaareen wufud ka socota maamul Goboleedyada dalka oo ay kala hogaamianayaan M/weynaha Puntland,M/weynaha Jubba ,M/weynaha maamulka Kofur Galbeed ayaa waxaa soo baxaya sababta ay u joogaan.

War hordhac ah oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in Madaxdaan ay u yimideen Muqdisho qeybsiga lacago in badan hakad ku iray oo loogu talagalay horumarinta dalka isla markaana la doonayo in maamul goboleedka kasta kistiisa la siiyo.

Barnaamijkaan ayaa waxa uu yahay mid daba socda New Deal sidaas darteed ayaa waxaa loo baahday in la kala qeybsado kistii lacag eheyd ee kasoo xarutay heshiiskaas isla markaana waxaa dhiman lacagaha intooda badan.

Xalay magaalada Muqdisho ayay wafdigaas jifsadeen illaa iyo haddana ma aysan soo saarin wax hadal ah waxaana lagu wadaa in maanta shirkooda lasoo afjaro isla markaanala kordhiyo waqtiga New Deal.

Balcad