Duqa Muqdisho Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Ciraaq

0
896

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxmed Xussen Muungaab ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaarada arimaha Dibadda Dalka Ciraaq iyo safriirka Somaliya ee Dlkaasi.

Gudoomiyaha iyo wafdiga aya waxaa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Magaalooyinka muqdisho iyo Baqdaad iyo sidii dowlada Ciraaq ay kaga qayb qaadan lahaayeen dib udhiska xooga leh ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxa ay uga Mahad celiyeen gudoomiyaha Gobolka sida quruxda badan ee xushmada ku dheehantahay oo uu ugu soo dhaweeyay Xafiiskiisa waxaana ay Gudoonsiiyeen Hadiyad qaali ah oo ay ka kaneen Dalka Ciraaq.

Radio Muqdisho

WafdiCiraaq20150218_3 WafdiCiraaq20150218_2 WafdiCiraaq20150218_1 Muungaab20150218_2 Muungaab20150218_1 SafiirkaSomaliaiCiraaq20150218