Hogaamiyaha Cusub Al-Shabaab oo ku sigtay isku day dil lix jeer qaab sidee ah?

0
785

AlshabaabBaraawa1Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan garabkii uu ka geeriyooday Al-Amriiki, ayaa baraha bulshada kusoo daabacay in Hogaamiyaha Maleeshiyada Abu Cubeyda uu muddo Bil gudaheeda uga baxsaday 6- qorsho oo lala damacsanaa in lagu Kharijiyo.

Sarkaalkaasi oo magaciisa ku gaabiyey Seyfu-diin, ayaa sheegay in qorshahaasi ay u maleegen Saraakiil isaga garab u ah oo mudoyinkii dambe kasoo horjeeday howlihiisa shaqo.

Waxa uu tilmaamay in 4-kamid ah qorshahaasi ay fuliyeen Saraakiil ka gadooday oo iminkana ku jira howdka kuwaasi oo ay dhawaan kala irdhooben, halka 2-weerar oo cirka ahna uu si dirqi ah uga bad-baaday.

Nuqul kamid ah qoraalka Sarkaalkaani lagu magacaabo Seyfu-diin ayaa u qornaa “Waxey ila tahay in la hilmaamay duulaankii aan alle ugu dhawaan laheyn, sida aad la soctaan Kooxdu wey sii kala fogaatay, Amiirkiina waxaa loo maleegay weeraro ay hagayaan Saraakiil naceyb u qaba, balse waxaan leeyahay taasi kuma ekaan doonto ee hala saxo qaladka jira”.

Wuxuu qoraalkiisa intaa kusii daray “Weeraradii loogu talo galay in lala eegto kuwa naga soo horjeeda, waxa ay kusoo laabten gudaha kooxda oo iyagu isku dhigaaya dibin daabyo, waxaan leeyahay Abuu Cubeyda waxaa ii muuqata inaad ku socto dhabihii Axmed Godane ee shirqoolka loogu dhigay, cadowga fog waxaa ka daran kuwa kaa agdhow”

Seyfu-diin waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyay in duulaankii Kooxda ay kula jirtay Dowlada ay isku dhigeyso kooxda gudaheeda, taasina ay sii kala fogeyneyso kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, amiirka Al-shabaab Abuu Cubaydah ayaa la tilmaamaa inuu yahay nin durbadiiba Cadow ku dhex abuurtay Kooxda, waxaana jira weeraro ay u maleegen Alshabaab balse aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa.

Balcad