Hogaamiye Sare oo Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Dilay Bay

0
895

DroneAttachWarar ay heshay Shabakada Warkii ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab laga dilay Hogaamiye Sare oo iyaga howlo badan u hayay, ka dib duqeyn shalay ay diyaaradaha Mareekanka ka fuliyeen degmada Diinsoor ee gobalka Bay.

Hogaamiyahaan weli magaciisa ma aanu helin, hase ahaatee waxa uu ahaa nin shaqooyin badan u hayay Al-shabaab, waxaana laga yaabaa in xilliyada soo aadan faah faahin dheeraad ah laga helo.

Diyaaradaha Mareekanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa weeraray xero Al-shabaab ay ciidamada ku tababaraan iyo Guryo ku yaallay halkaasi oo Al-shabaab saraakiishooda deganaayeen.

Warkii