Howlgal Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Ay Ka Sameeyeen Deegaano Hoostaga Buulo Burde

0
887

Bulaburde20140911Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa howlgalo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo qabtay dad la sheegay in lagu tuhmayo xiriir ay la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo baaritaano lagu hayo.

Gaashaanle Cabdullaahi Cilmi Barre oo ah taliyaha ciidamada Milatariga ee degmadaasi ayaa u sheegay warkii.com , in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amaanka guud, ayna meelo badan ciidamada gaareen.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayuu sheegay in ay ku qabteen dad Al-shabaab ka mid ah islamarkaana aad looga yaqaano degmada Buulo Burde iyo deegaanada hoostaga.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay sii xoojin doonaan howlgalkaan islamarkaana ay cagta marin doonaan meel walba oo ay uga shakiyaan in Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay howlgal joogta ah ka wadeen degmada Buulo Burde, waxaana lagu soo qabtay howlgalkaan dad iyo gaadiid intaba.

Warkii