Is bedelo laga yaabo in lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya

0
883

GeneralIndhoQarsheWarar xoogan oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in is bedel lagu sameyn doona Taliyeyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo is bedelkan lagu saleyn doono qaabka awood qeybsiga.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in saddex ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada uu is bedelkan u saameyn doono qaab isku mid ah, maadaama ay isku heyb yihiin.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa la sheegay inay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu soo celiyo habkii awood qeybsiga ciidamada, isla markaana ay muhiim tahay in shanta beelood ay helaan xilalka ugu sareeya ciidamada.

Taliyeyaasha ay dhici karto in is bedelka u saameeyay qaabka awood qeybsiga dowladda ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe, Ku simaha Taliyaha Ciidamada Booliska

Jen. Gas-Gas iyo Taliyaha Nabadsugida Jen. Tuur Yare, kuwaasoo saddexdaba ah hal beel ka soo jeeda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saddexdan jago lagu saleyn doono habka awood qeybsiga, maadaama Xildhibaano qaar ay ku andacoonayaan in labadii sano ee u dambeysay ay meesha ka baxday habkii awood qeybsiga beelaha.

Inkastoo wararkan ay yihiin kuwo isa soo tarayay maalmihii la soo dhaafay ayaa ka dambeysay markii shirar kala duwan ay Muqdisho ku yeesheen, siyaasiyiin, xildhibaano iyo odayaal ka dalbaday dowladda Soomaaliya in xaqii ay ku lahaayeen dowladda la siiyo, isla markaana la baal marin habka awood qeybsiga.

Lama oga is bedelkan sida uu ku dhici doono, hase ahaatee waxaa ugu badan ee la isla dhex marayo ayaa ah in saddexda taliye ee aan soo sheegnay ay ku heyb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, taasna ay tahay mida dhaliisha laga muujinayo ee ah inaan la marin habkii awood qeybsiga.

Jowhar