Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa wada qorshe uu isaga qafiifinaayo culeyska ka heysta dhanka Xildhibaanada BF ee mooshinka kawada.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Jawaari uu arrintaasi kala hadlay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka si ay uga qeybqaatan xal ka gaarista kacdoonka kusoo fool leh.
Maxamed Cusmaan Jawaari oo ay ka hor imaadeen Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha shacabka, ayaa waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa Xildhibaanada saaxiibada dhow la ah, waxaana la soo sheegayaa in hooygiisa uu ku qaabilay inkabadan 35 mudane oo la qorsheynaayo inay u ololeeyaan Jawaari si looga badbaado mooshinada taagan.
Xildhibaanada BF ayaa iyagu ka cabanaayo iska warqab la’aan ka dhexeysa iyaga iyo Gudoomiyaha BF, waxa ayna daaha ka rogeen inaysan ku kalsooneyn Jawaari xiliyada Madaxda qaranka la horkeenaayo Baarlamaanka.
Waxaa sidoo kale jira wal wal uu Jawaari ka qabo in arrintan uu ku lug lee yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasi oo culeeska badin karta.
Maalin ka hor ayay aheyd markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Gudoomiyaha ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah inuu guddoomiyo shirkii ansixinta golaha wasiirrada, balse waxaa jira warar sheegaya in mooshin xil qaadis uu soo socdo.
Warkii