Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

0
794

XasanSheekhFromTurkey20140216_1Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar dibadda ah oo uu ku maaqnaa maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyay madaxweynaha, isagoo si nabad ah ku tagay xarunta madaxtooyada.

Hadalkii uu madaxweynuhu jeediyay iyo warar kaleba dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo.

Radio Muqdisho