Madaxweynaha oo Ethiopia kaga qeybgaley munaasabad dhagax dhig ah

0
781

XasanSheekhAndEthiopianPM20150219_1

19 Febraayo 2015, Mekelle, Ethiopia: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’’iisul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn kala qeybgaley munaasabad lagu dhagax dhigayey mashruuc khad tareen oo cusub oo Shiinaha uu ka dhisayo Ethiopia.

Mashruucan ayaa isku xiri doona degaannada Mekelle, Weldiya iyo Hara Gebeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhismaha mashruucan ku tilmaamey inuu ka tarjumayo muhimadda nabadgelyada iyo wadajirka ummadeed, Soomaaliyana ay wax badan ka baran karto Ethiopia.

“Mashruucan horumarineed iyo kuwo ka sii wanaagsanba wa a laga hirgelin karaa dalkeena. Ilaahay waxaa uu shacabkeena Soomaaliyeed ku maneystey hal abuur dhanka ganacsiga oo si weyn na loogu ammaano, haddii aan hibadaas iyo dadaal xilkasnimo ah ku darno waxaan shaki ku jirin inaan Afrika iyo caalamkaba tusaale u noqon doono”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Mashruucan waxaa fulinaysa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda la yiraahdo China Communication Construction Company (CCCC), waxaana shirkaddan labaatankii sanno ee la soo dhaafay ay gacan weyn ka geysaneysey hirgelinta mashaariic badan oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah oo laga wado dalalka Afrika.