Madaxweynaha oo ka soo laabtey socdaal uu ku tegey Ethiopia

0
897

XasanSheekhAirport2015021919 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhammeystey socdaal uu ku tegey dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Mekelle ee dalka Ethiopia kaga qeybgaley xuska 40 guuradii ka soo wareegtey markii ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) uu bilaabey dhaqdhaqaaqii milateri ee isbeddel doonka siyaasadeed. Ururka TPLF ayaa ka tirsan isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshey madaxdii kale ee lagu casuumey munaasabaddaasi oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Ethiopia, Rwanda, Sudan , ra’iisul wasaareyaasha Ethiopia, Uganda, Djibouti iyo Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Maxamed Cumar Carte , xubno ka tirsan golaha wasiirada , baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.