Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo dil ka badbaaday

0
800

TargetingAssasinationWararka ka imaanaya degmada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen gudoomiyaasha maamul gobaleedka Somaliland ugu magacaaban gobalada Sanaag iyo Awdal.

Weerarkan waxaa fuliyay rag hubeysan oo gaari yar watay kuwaasi oo doonayay iney dilaan labadaasi gudoomiye ee ka tirsan maamulka Somaliland.

Saraakiisha dilka ka badbaaday waxaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Cali Suleymaan oo ah gudoomiyaha gobalka Awdal iyo Axmed Cabdi oo isagana ah gudoomiyaha gobalka Sanaag’iyadoona la xaqiijiyay inuu burbur xoogan soo gaaray gaarigii ay la socdeen saraakiishan isku dayga dilka ah ka badbaaday.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin cidda ka dambeysay weerarkan’balse arintaan waxey u muuqataa Mid Halis ku ah Amaanka Degaanada Somalialnd.

Warkii