Mid ka mid ah Wasiiradii R/wasaare Cumar Cabdirashid oo xilkiisa iska casilaya

0
1495

FahadYasinWar aan ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ka cudur daartay inuu jagadaas qabto kana mid noqdo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda uu hogaamiyo Ra´iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid. Fahad Yaasiin Xaji Dahir oo ku magacaban Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda lana magacabay January 27, 2015 uu hadda iska diiday ama ka cudur daartay ka mid ahaanshaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda uu hogaamiyo Ra´iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale Fahad Yaasiin Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ayaa la xaqiijin sababaha oo diiday inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada laakiin waxaa horey u jirtay in Fahad uusan raali ka ahayn jagada loo magacabay ama uusan dooran Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Fahad markii hore waxaa uu dalbaday Wasaaradda Warfaafinta ama Wasaarada Dastuurka hase yeeshe Ra´iisal Wasaare Cumar ayaa kala wareejiyay wixii lagu heshiiyay.

Dhanka kale Fahad Yaasin ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra´iisal Wasaare Cumar ku wargeliyay inuusan qaban karin jagada loo magacabay maadama looga baxay wixii la isku ogaa sidaas darteed si rasmi ah ayuu ugu wargeliyay madaxda qaranka sababtii uu ugu cudur daartay xilka loo magacabay.

Ugu Danbayntii Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa wali Xaqiijin in uu diiday in uu Qabto Xilka Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda waxaana la sheegay in Saacadaha soo socda uu Qabanayo Shir jaraa,id oo ku shaacinayo in uu iska casilay Wasiirkii Dhawaan uu u magacabaay Ra´iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Balcad