Mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay Wasaarada laga siiyay Xukuumada cusub

0
881

CumarCabdirashiid20141225_3Iyadoo dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ku dhawaaqay Golaha Xukuumadiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahaano ka tirsan Beesha Jidle.

Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahaano ka tirsan Beesha Jidle, ayaa qaadacay qaabka Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali kusoo kala xushay Xubnaha Xukuumadiisa, iyagoona si aad ah u dhaliilay hanaanka Xilka Wasiirnimo ee Beesha Jidle loogu magacaabay Maxamed C/llahi Xassan Nuux oo hadda loo magacaabay Wasiirka wasaarada Isboortiska Dowlada Federaalka.

Beesha ayaa sheegtay in Ra’isul wasaare cumar xubintaasi ay usoo xuleen Xubnaha Damjadiid ee ka agdhow Madaxweyne Xassan sheikh.

Waxa ay sheegen in ka beel ahaan aysan muteysan in xilkaasi ay ka qabtaan Wasaarada Isboortiska waxa ayna ku nuux-nuuxsadeen in xilkaasi aysan u qalmin.

Siyaasiyiinta Beesha ayaa waxa ay magacaabista Wasiirkooda ku dhaliileen qodobada soo socda:-

1-Inuu yahay xildhibaan aan magacaabistiisa lagala tashan Beesha, islamarkaana uu magacaabay nin isku magacaabay Ugaas.

2-In magacaabistiisa ay ka dambeysay kooxda Damjadiid, taasoo aan lagala tashan xildhibaanada Beesha gundhabe.

3- Shaqsiga xilka loo magacaabay oo aan Khibrad u laheyn xilka loo magacaabay.

4-In Beesha Jidle iyo gundhabe ahaanba aysan u qalmin xilka Wasiirka Isboortiska.

Ugu dambeyntii, waxa ay Madaxweyne Xassan Shiiq iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ay ka dalbadeen inay dib u eegis ku sameeyaan xilka Beesha oo ay usoo xusheen Wasiirka.