Qarax ka dhacay Magaalada Marko Ee Xarunta G/Sh/hoose

0
888

Marka4Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marko Ee Xarunta G/Sh/hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu Goordhow ka dhacay Qarax.

Dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan Magaalada Marko Ayaa Goordhow u xaqeejiyay in qaraxan lala eegtay Ciidamu katirsan kuwa AMISOM ee Ku sugan Marko.

Qaraxani waxa uu ka dhacay Agagaarka Schoolka NEW Way Ee Xaafada Roosiya Magaalada Marko Ee Xarunta G/Sh/hoose.

Qaraxa waxaa loo dhigay kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM inkastoo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah aan loo ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxaasi .

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa rasaas furay inkastoo aan la soo sheegin wax qasaare ah oo ka soo gaaray dad rayid ah .

Magaalada Marko Ee Xarunta G/Sh/hoose waxaa ka dhaca Qaraxyo lala eeganaya Ciidamada AMISOM Ee ku sugan Marko waxaana xusid mudan in qaraxayada kadib ay AMISOM Furaan rasaas qasaare ay ka soo gaarto dad rayid ah.

Warkii