Ra’iisul Wasaaraha “Hadii caqabad ka imaan dhexdeena, dalka waa gaarsiin karnaa doorasho sanadka 2016″

0
1613

CumarCabdirashiidRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka digay khilaaf dambe oo soo noqda inuu caqabad ku keeni karo gaarista qorshaha hiigsiga sanadka 2016 ee la doonayo in dalka doorasho ka dhacdo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan dalka Canada oo uu kaga qeyb galay aaska hooyadiis oo dhowaan halkaas ku geeriyootay ayaa soo hadal qaaday qorshaha xukuumadiisa miiska u saaran.

“Waqtiga waa yar yahay qorshaha miiska noo saaran waxa weeyaan sida lagu gaarsiin karo dalka doorasho sanadka 2016, hadii aan caqabad dhexdeena ka imaan waa gaarsiin karnaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay idaacada VOA.

Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaruhu in qaar ka mid ah Wasiiradiisa ay siyaasada ku cusub yihiin, ayuu tilmaamay in xilalka kaliya ku cusub yihiin, balse ay ahaayeen dad siyaasada xog ogaal u ahaa sida uu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe, isagoo tilmaamay inay ku xigto maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labo jeer oo hore soo magacaabay Gole Wasiiro, balse Baarlamaanka ka gudbi waayay ayaa ugu dambeyn 9-kii bishan Xukuumad dhameystiran oo uu dib ka soo dhisay kadib ay heshay codka kalsoonida Baarlamaanka.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in waqtiga dowladda u harsan oo ah mid kooban, hadana Xukuumadda cusub waxaa hor-yaala howlo fara badan oo loo baahan yahay inay qabato ka hor Agosto sanadka 2016.

Jowhar