Sargaal Goordhaw Muqdisho lagu weeraray iyo Gaari ay wateen ragii weerarka geestay oo la qabtay

0
801

TargetingAssasinationKooxo Hubeesan oo gaari watay ayaa goordhaw Xaafada Carwa’idko ee Degmada Howl-Wadaag waxa ay ku weerareen Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada loo yaqaano Daraawiishta.

Goob jooge ayaa noo sheegay in Xoogaga hubeesan oo gaari watay ay rasaas ku fureen Sargaal katirsan Ciidanka Daraawiishta oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Yare, waxaana rasaasta lagu furay sargaalka kasoo gaaray dhaawac .

Kooxihii Weerarka geestay oo isku dayay in ay baxsadaan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Ciidamo kale oo katirsan Dowlada oo ka agdhawaa halka uu weerarku ka dhacay, waxaana la sheegay in kooxihii weerraka fuliyay ay ka carareen gaarigii ay wateen ayna dhinaca Wardhiigley ula baxsadeen nin ka dhaawacmay.

Ciidamo katirsan Dowlada ayaa la sheegay in ay baadi goob ugu jiraan xoogagii weerarka ku qaaday sargaalka katirsan Ciidanka Dowlada, waxa ayna hada ciidamada gacanta ku hayaan gaarigii ay wateen ragii hubeesnaa sida aan wararka ku helnay.

Allbanaadir