Toban Diyaaradood oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho

0
891

GaalkacyoAirportWararka laga helaayo dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan toban diyaaradood oo Jaad wada kuwaas oo sadexdii maalin ee ugu danbeysay in ay magaalada yimaadaan.

Tobankan Diyaaadood ayaa waxa ay Jaadka kala geyn doonaan gobolada dalka Somalia ,balse inta badan diyaaradahaas ayaa waxa ay kasoo dagi doonaan magaalada Muqdisho oo inta badan dadka jaadka cunasugayaan.

Sadexdii maalin ee lasoo dhaafay waxaa yareyd booqa iyo sawaxanka meelaha jaadka lagu iibiyo maadaama uusan dalka imaan ,sababo la xiriirta in uu Jaadka imaan waayo ayaa eheyd ka dib markii lagu kordhiyay canshuuraadka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa magaalada Muqdisho keenaayay Jaad laga keenay Itoobiya isla markaana la soo marsiisay Hargeysa ,waxa uuna ahaa mid ka qaalisan mid kii hore ay dadka u cuni jieen.

Balcad