Wasiirka Cusub Ee Ganacsiga Oo Sheegay In Lala Xisaabtamayo Ganacsatada Soomaaliyeed

0
954

CabdiraxmanCabdiCusmanWasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay in aysan jirin cid baaris ku sameysa waxyaabaha ay dalka keenayaan.

Wasiirka oo maanta la wareegayay xilka wasaaradaasi ayaa shaaciyay in dowladda hadda ay awood u leedahay inay ogaato waxyaabaha dalka ay soo gelinayaan ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana aysan aqbali doonin in wadanka ganacsi ahaan loo keeno waxyaabo uu ka mid yahay raashiin aan tayo wanaagsan lahayn, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay suurta gal ka dhigayaan dhibaatooyin soo gaara dadka shacabka ah.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuurta si dalka oo dhan u gaaro horumar ballaaran.

“Maadaama lala xisaabtamo mas’uuliyiintii, ganacsatada waa in lala xisaabtamaa, waxaa lagula xisaabtamayaa qofka muwaadinka Soomaaliga ah in wax sax ah laga iibiyo oo tayadooda wanaagsan tahay, si uu caafimaad sax ah u helo oo maskax sax ah ugu fikiro oo xuquuqdiisa u helo muwaadinka Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya maanta waxay diyaar u tahay inay ilaaliso ilaalinta tayada waxa Soomaaliya la keenayo, marka taasina waa farxad kale oo inoo soo korotay, shacabka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa gaar ahaan dadka ganacsatada ah in ay canshuurta ama wixii qidmo ah oo loogu tala galay dalka in ay dhiibaan” ayuu yiri wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Aadan Maxamed Nuur oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay qabteen mudadii uu xilka hayay , ayna ugu muhiimsan tahay qalabeynta dhismaha xarunta wasaaradda taasi oo uu sheegay in hadda ay ku shaqeynayaan dhowr wasaaradood, isaga oo kula dar daarmay wasiirka in uu sii wado hormarinta wasaaradda.

“Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha maalintii la’igu wareejinayay waxaa ka muuqday bur bur aad u fara badan, oo runtii dhowr qol baa lagu shaqeynaayay, laakiin dhismahaan waxa uu ka kooban yahay 42 qol, waxaa lagu sameeyay dayactir, waxaa lasoo dejiyay wasaarado ku shaqeyn waayay meelihii ay joogeen, waajibaadkoodii qaranna ay gudan waayeen, maadaama aysan xafiis lahayn ilaa hadda wey shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin wasaaradda xanaanada xoolaha iyo midda beeraha, taasina farxad Labaad ayeey ii tahay oo aysan ila wadaagin saaxiibadey wasiirada ah” Aadan Maxamed Nuur ayaa sidaasi yiri.

Wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa bilaabay la wareegista wasaaradahooda, iyadoo wasaaraddo dhowr ah ay kala wareegeen.

Goobjoog News