Wasiirka cusub ee haweenka oo xilka la wareegtay

0
911

Munaasabadani oo ah mid ay xilka kula wareegeysay wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka islamarkaana ay ka qeyb-gashay wasiirkii hore ee wasaarada haweenka iyo xaquuqda aadanaha ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho ayadoo munaasabadaasi ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ku-xigeenka xer-ilaaliyaha guud ee qaranka, wakiilo kasocda hanta-dhowrka guud ee qaranka iyo xubno kale.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadashay wasiirkii hore ee wasaaradda Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana ay sheegtay in guulo badan la gaaray intii ay xilka heysay in kastoo qoraal ahaan ay u gudbisay waxyaabihii qabsoomay.

Xoghayaha guud ee gudiga xaquuqul insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Ugaas Bishaar Ibrraahim oo ka qeyb_galay munaasabada ayaa ugu baaqaya ururada bulshada iyo wasaaraadda haweenka in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub ee wasaaradaasi.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadaasi ka hadashay wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo u mahad celisay wasiirkii hore wasaarada haweenka Khadiijo waxaana ay sheegtay inay dadaal dheeraad ah u geli doonaan sidii haweenka Soomaaliyeed looga horumarin lahaa dhinacyada waxbarashada iyo difaaca xuquuqdooda.

Radio Muqdisho

WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_4 WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_3 WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_2 WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_1 WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_6 WasiirkaHaweenkaXilwareejin20150212_5