Waxgarad Guriceel u tagay Xalinta Dagaalka Halkaasi kasocda oo la xabadeeyay

0
867

Guriceel20131228Warar aan goordhaw ka helnay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saakay ay gaareen wax garad kasocda sideeda beelood ee shirka dib u heshiisiinta uu uga socdo Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Waxgaradka ayaa markii ay gaareen Magaalada Guriceel waxa ay la kulmeen saraakiisha hogaamineysa Dagaalyahanada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee dagaalka kula wareegay Magaalada Guriceel ,waxa ayna kala hadleen in ay qaataan waan waanta nabadeed ay wadaan.

Sida aan Wararka ku heleyno waxgaradka gaaray Guriceel ayaa markii ay katageen Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca waxa ay aadeen dhinaca ay Magaaladaasi ka joogaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya si ay iyana ula hadlaan Saraakiisha Dagaalka hogaamineysa.

Waxagaradka waan waanta nabadeed waday ayaa markii ay ku dhawaadeen Fariisimaha ay Ciidamada Dowlada ay ku sugnaayeen ayaa waxaa lagu furay rasaas taa oo keentay in ay dib uga laabtaan waxgaradka aaga ay Ciidamada Dowlada ay ka joogaan Guriceel.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kusugan Dhuuso Mareeb ayaa isku dayay in ay xariiro la sameeyaan Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada Dowlada oo ay ugu horeeyaan Jen.Goobaale iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cirfo, waxaana la sheegay in labadan ninba ay dansadeen Telfoonadooda.

Lama oga in wax qasaare ah uu waxgaradka kasoo gaaray Rasaasta ay ku fureen Ciidamada Dowlada Soomaaliya, waxa ayna wali waxgardaka joogaan Guriceel iyaga oo rajo ka qaba in ay la kulmaan saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowlada si ay labada dhinac xabad joojin ugu kala dhax dhigaan.

Allbanaadir