Xabad joojin la kala dhex dhigay Dhinacyadii ku dagaalamay Baledweyne

0
862

Beledweyne20131119Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolkaasi ayaa ku guuleeystay in ay kala dhexgalaan Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Magaalada Baledweyne oo Shalay ilaa Saaka ku dagaalamayay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Ibraahin ayaa Warkii u sheegay in la joojiyay Xabadii islamarkaana Maamulka Gobolka uu kala dhex dhigay Ciidamo iskgu jira kuwa AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka Saaka ayaa waxaa ku Nafwaayay ilaa 5 Qof,iyadoona ay ku dhaawacmeen ilaa 13 kale,waxaana Dadkii ku dhaawacmay dagaalka la geeyay Goobaha Caafimaad ee Magaalada Baledweyne.

Waxaana Dadka ku Geeriyooday Dagaalada Maanta ilaa Shalay ay gaarayaan ilaa 10 Ruux oo Dad Shacab ah u badan.

Warkii