Xil Wareejin ka dhacday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka

0
950

Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Drs Khadar Bashiir Cali oo loo soo magacaabay xilkaas, waxayna Xafladu ka dhacday Xarunta Wasaarada Tacliinta Sare waxaana ka soo qeyb galay Hanti dhooraha Qaranka Mudane Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka sidoo kale waxaa kasoo qayb galeen Madaxda Wasaarada Shaqaalaha hoose iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Maxamed Cabdul Qaadir Nuur, waxa uuna sheegay in dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan Wasiirka Cusub islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isagoo xusan in Wasiirada Cusub Dr Khadar Bashiir Cali ay horayba uga mid aheyd Wasaaradda Waxbarashada oo ay markale Wasaaradu soo dhaweyneyso Wasiirka Cusub.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inay sii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii, waxaana madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla.

KhadraBashiirCaliWWaxbarashada20150216_5 KhadraBashiirCaliWWaxbarashada20150216_4 KhadraBashiirCaliWWaxbarashada20150216_3 KhadraBashiirCaliWWaxbarashada20150216_2 KhadraBashiirCaliWWaxbarashada20150216_1