Xildhibaan Gaarane Oo Sheegay In Dhismaha Xukuumadda Cusub Faragelin Lagu Hayo

0
1194

XildhibaanadaMotionKaKeeney20141109_10Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in faragelin lagu hayo dhismaha xukuumadda cusub, islamarkaana ay iyaga ka baarlamaan ahaan doonayaan in taasi meesha ay ka saaraan.

Waxa uu sheegay In Ra’iisul wasaaraha hadii loo daayo go’aanka kaligiis, islamarkaana cidii uu doono keeno in baarlamaanka aanay culeys badan saari lahayn, hase ahaatee ay muuqato xildhibaano iyo rag kel oo uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha howshiisa fara gelin ku sameeyeen.

“Caqabadda iyo culeyska xukuumadda hayo wey iska muuqataa, mar hadii qaanuunka iyo sharciga dowladda u yaalo laga leexdo, oo dhariga dadkii karin lahaa dad aan ahayn kariyaan oo gacanta lala galo waxa weeye Dharigii fara bataa wuu fuud qaraareeyaa, marka xukuumadda wey fuud qaraareynaysaa, baarlamaanka sidaas ayuu arkayaa ka dibna waxaa la leeyahay war waxaan qaraar naga daadiya, mushkiladda haysta waxa weeye fara badnida, xildhibaanada markii ay is wareystaan waxay leeyihiin hadii xukuumadda ra’iisul wasaaraha intuu qol lagalo oo loo daayo isaga ciddii uu rabo ha keenee anaga maba haysano waan sii deyneynaa, mushkiladda inaan anaga suulino rabno ayaa ah in la fara geliyo dhismaha xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan Gaarane.

Dhinaca kale xildhibaan Gaarane ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo madax banaaneeyo Ra’iisul wasaaraha howshiisa shaqo, islamarkaana meesha laga saaro wax walba oo caqabad noqon kara.

Ugu dambeyn ayuu rajo ka muujiyay Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane in xukuumada uu soo dhameystirayo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ay noqon doonto middii loo baahnaa oo kalsoonida ka hesha xildhibaanada Baarlamaanka.

Goobjoog