Xildhibaanadii Kutlada Badbaado Qaran oo qarka u saaran inay kala tagaan

0
856

XildhibaanadaBarlamaanka20141108_7Kutlada Xildhibaabada la baxay “Badbaado Qaran” oo ahaa isbaheysigii ugu horeeyay ee xildhibaanada Baarlamanka oo sameysmay kadib khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa qarka u saaran inuu muxaafid noqdo ama kala lumo kadib markii ay saameyn weyni ku yeelatay xaalada isbedelka ee ku yimid xukuumada 20-ka wasiir ee la magacaabay 27-kii Janaayo 2015.

XiIldhibaanadan oo tiradooda la isku haleyn karo ay gaareyso 80 xildhibaan, waxay ku dhismeen diidmada siyaasadii kooxeysiga ku dhisneyd ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ujeedkooda ugu weyni ahaa inay ka hortagaan in awoodda dalka gacanta u gasho koox qura, inkastoo aanay meesha ka marneyn damac siyaasadeed iyo rabitaan shaqsiyeed.

Kadib magacaabidii 20-ka wasiir ee aan xildhibaanada ahayn waxaa soo baxay tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan Kutladan oo u ololeynaya taageerada xukuumadda CumarC/rashiid ee 20-ka wasiir laga magacaabay, waxayna ku doodayeen arrimo ay ka mid yihiin;

1. In afartii xubnood ee ay diideen in wasiirada lagu soo daro meesha ka baxeen.

2. In kooxdii madaxweynaha ku xeerneyd siyaasadii la ciirtay oo iyagii mucaarad noqdeen

3. Haddii xukuumadan ay diidaan inay soo noqon karto tii hore ee dib loola noqday

Ka sokow arrimahan loo qaateenka ah waxay kaloo ku hoos jiray xildhibaanada aragtidan la yimid inay u badan yihiin kooxda “Aala Sheekh” oo xubno wasiiro ah oo miisaan leh ka heshay 20-ka wasiir ee danbe, qaarkoodna madaxda Kutlada lagu eedeeyay inay taageerayan wasiiro ay qaraabo yihiin oo saameyn ku yeeshay.

Inkastoo Kutlada dhexdeeda looga awood batay kooxdani, haddana waxaa soo muuqatay in mustqbalka kutlada soo dhammaan rabo marka lagu daro xildhibaannada kale ee rajada ka leh inay ka mid noqdaan xukuumadda laga sugayo inuu soo dhameystiro Cumar C/rashiid.

Kooxda labaad ee Kutlada qarka u saartay inay muxaafid isu bedesho waa xildhibaannada doonaya inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada hadda lasoo dhameystirayo oo saameyn weyn ku leh siyaasadda lagu hagayo Kutlada Badbaado Qaran, waana markii ugu horeysay ee la arko xubno waaweyn oo u janjeera dhinaca taageerada.

Xildhibaannada hormuudka ah ee Isbaheysigan sida guddoomiyahooda Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa lasoo weriyay inuu hadda ka mid yahay la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha sidii xukuumadda dhismaheedu socdo loo marsiin lahaa Baarlamaanka. Sidoo kale xubno kale oo ay ka mid yihiin Prof. Cusmaan Jurille, Prof. Gaandi, Bashiir Caddow, C/qaadir Cali Cumar iyo kuwo kale ayaa mowqifkoodu yahay mid taageeraya xukuumada cusub arrimo kala duwan dartood.

Xubno kale oo aan iyagu fursad uga muuqan golaha wasiirada cusub ayaa weli ku dhegan inay kutladu ku sii socoto siyaasadeedii diidmada ahayd, waxaana xubnahani dadaalkoodu yahay mid gaabis ah, iyadoo kala qeybsanka arrintani ay ka dhex muuqatay codkii baarlamaanku shalay u qaaday in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo Ra’iisal wasaaraha si loo dhameystiro xukuumadda oo xildhibaanada Kutlada aysan meel isku sheegin intoodii badneyd ay taageertay codsiga Cumar Cabdirashiid.

Kutladan oo xoogeedu ku dhisnaa xildhibaanada Dir iyo Daarood ayaa u muuqata inuu gabagabo yahay ujeedkii loo aasaasay, waxaase laga yaabaa inay saaxiibtinamadoodu kasoo bilaabatay taageerida C/weli Sheekh Axmed ay sii socoto iyadoo aan mustaqbalka la isku hubin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mutaxnaanshihiisa siyaasadeed oo ay dhici karto inuu mar kale dib u mideeyo Kutladan kala tagga ku dhow.

GoobJooge