Warsaxaafadeedka dowladda Puntland wuxuu u qornaa sidan:
Dowladda Puntland markay qiimaysay mooshinka ka dhanka ah sharciyada barlamaanka Jubbaland ee la horkeenay Golaha Shacabka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Aragtayna qodobada lagu dhisay keenista mooshinkaas ka dhanka ah barlamaanka dowlada goboleedka Jubbaland, waxay caddeynaysaa dowladda PUntland in mooshinkaasi uusan sharci aheyn, isla markaana khilaafsan yahay dastuurka ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo u ogolaanayua dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya in ay maamulaan arrimahooda daakhiliga ah dhistaana ha’adaha Xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka.
Waxaa wax lala yaabo ah in meeshii barlamaanka federaalka Soomaaliya ay hormuud ka noqon lahaayeen yoolasha nabad-dhisidda Soomaaliya ay caqabad ku noqdaan barlamaan lagu soo xulay hab ku dhisan wadatashi laguna bixiyey dhaqaale iyo waqti isla markaan ay goob-joog ka ahaayeen madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba.
Dowladda Puntland waxay markale canbaareyneysaa mooshinkaasi sharci darada ku dhisan oo lagu hor-istaagayo horumarka iyo nidaamka lagu hirgalinayo hanaanka nidaamka federaalka ah ee ay dawladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ku dhisanayaan laamaha ugu muhiimsan maamulka.
Ugu Dambayn.
Dowladda Puntland waxay garab taagan tahay xaqqa ay leedahay dowlad goboleedka Jubbaland in ay u gudbaan nidaam dhameystiran dhinaca fulinta xeer-dajinta iyo garsoorka, waxayna ku boorineysaa barlamaanka Soomaaliya in uuuu ku mashquulo arrimaha muhiinka u ah jiritaanka iyo dowladnimada Umaddda Soomaaliyeed.