Allah u naxriisto Dr. Shariif Cali Zeyn oo ku geeriyoodey magaalada Ottawa, Canada

0
2204

SharifCaliZen20150923_2

Waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada ku geeriyoodey Allah u naxriistee Dr. Shariif Cali Zen.  Marxuunka wuxuu ka mid takhaatiirtii ugu horeysey ee ka qalin jebisey Jaamacada Caafimaadka (Medicine) ee magaalada Muqdisho.  Wuxuuna muddo dheer ka soo shaqeeyey Isbitaalka weyn ee Digfer ee ku yaala magaalada Muqdisho ilaa iyo sanadkii 1990.  Dr. Shariif Cali Zen wuxuu u haajirey dalka Canada wuxuuna muddo 25 sano ku dhowaad ah ku noolaa magaalada Ottawa. Dr Shariif inta uu ku sugnaa magaalada Ottawa wuxuu mihnad ahaan ugu shaqeysan jirey harqaanle, oo uu ka dhaxley awoowayaashiisa, wuxuuna ahaa harqaanle si weyn loogu yaqaano magaaladaasi oo si weyn loogu xushmeeyo magaaladaasi.  

Bahda Markacadeey.com waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyeskii uu ka geeriyoodey marxuun Dr. Shariif Cali Zeyn, waxey Eebe ugu baryayaan inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa. 

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Riix halkan si aad tacsi ugu dhaaftid reerka