Ciidamo hor leh oo kusoo wajahan Somaaliya

0
1315

Itoobiyaan5402Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamo dheereed ah ay ku soo kordhin doonto ciidamada ku sugan Somalia ee qaybta ka ah Howl galka AMISOM.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa daaha ka rogay in qorshahaan uu yahay mid haqab tiraya booskii ay ka baxeen Ciidamadii Sera Leon ee Howl galka ku jiray, kuwaas oo ku sugnaa Gobolka Jubbada Hoose.
Dhawaan Xubno Saraakiil ah oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Dowladda Ethiopia oo booqday Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sheegay in ay halkaas geyn doonaan Kudhawaad 1000 Askari ( kun Askari) oo bedelaya Ciidamadii Sera Leon ee horay halkaas uga tagay.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay kulamo la lahaayeen Masuuliyiinta maamulka Jubba oo ay ka wada hadlayeen qaabka ay uga howl gali karaan Gobolka Jubbada Hoos