Waxaa manta Magaalada Qaahira ka furmay shirkii wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda carabta, iyadoo looga hadli doono shirkaasi arrimaha dalalka colaadaha ay ka socdaan ee ka tirsan jamacadda carabta.
Daahir Maxamuud Geelle Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga mudane ayaa sheegay in shirkaas looga hadlayo arrimaha ka taagan dalalka carabta sida Siiriya, Yaman, Liibiya, Ciraaq iyo taageerada la siinayo dalalka u baahan in la garab istaago.
“Shirkaas waxaa looga hadlayaa Ajandayaal badan waxaa ka soo qaby galay dhowr iyo labaatan dal oo Carab ah waxa ay xoogga saarayaan arrinta ka taagan falastiin iyo dhibaatada Yahuuddu ay ku hayso dadka Muslimiinta ah “n Ayuu yiri saafiir Daahir Maxamuud Geelle.
Dhanka kale safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in shirkaas sidoo kale lagu taageerayo dowladda federaalka Soomaaliya.