Daawo Filimka Kis Kisko Pyaar Karu Iyo Sida Uu Kapil Sharma Kaaga Yaabin Doono (+Video)

0
2225

kapilsharma-kiskopyarkaroon

Shactiroole Kapil Sharma filimkiisii ugu horeeyay Kis Kisko Pyaar Karu wuxu noqday mid guul weyn gaaray sidoo kalena sheeko ahaan aad looga helay.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa Kapil Sharma iyo filimkiisii shactirada badnaa oo dhameestiran.

Inaba caadi ma ahan sheekada filimkan jah wareerka ay leedahay iyo shactirada dheeraadka ah ee uu filimkan leeyahay.

Kis Kisko Pyaar Karoon wuxuu ku bilaabanaa Kumar Shiv Ram Kishan aka Bholu (Kapil Sharma) oo wato gaari aad u qurux badan kana muuqato xarakada iyo hantida uu leeyahay.

Kumar Shiv Ram (Kapil Sharma) marwalbo oo uu gaarigiisa kasoo dago wuxuu la kulmaa gabar aan guursanin oo dhibaato heesato si uu dhibkeeda u xaliyo asiga ayaa guursanaayo!

Sidaa darteed sedexda gabdhood ee aan kala dhicin Juhi (Manjari Fadnis), Simran (Simran Kaur Mundi) iyo Anjali (Sai Lokur) waxaa wada guursanaayo Kumar Shiv Ram (Kapil Sharma) oo mid walbo ku guur saday si lama filaan ah ama daruuf gaar ah ku qasabtay!!

Kis Kisko Pyaar Karoon

Kumar Shiv Ram (Kapil Sharma) sedexda xaas ee uu leeyahay mid walbo wuu ka qariyay inuu naag kale qabo si qorshihiisa uu u hirgalo wuxuu kala dajinaa sedexda magaalo ee kala ah Bandra, Borivali iyo Kandivali.

Laakiin Kumar Shiv Ram waxaa la talinaa saaxiibkiisa qareenka ah Karan (Varun Sharma) oo kula talinaayo inuu xaasaskiisa mid walbo u gado guri aad u weyn.

Wuxuuna u wada gadaa sedex guri oo aad u waa weyn balse hal magac ka dhaxeeyo kaasi oo ah ‘Cocktail Towers’.

Kumar Shiv Ram (Kapil Sharma) ayaa xaasaskiisa u sheegayo inuu aad u mashquul badan sidoo kalena hawlo ganacsi oo kala duwan gacanta ku haayo sida darteed mid walbo wuxuu u sheegaa inuu hal habeen gurigeeda seexanaayo halka labo habeen uu xafiiskiisa seexanaayo!

Laakiin Kumar Shiv noloshiisa qas iyo jah wareer ayaa soo wajaaho markii Deepika (Elli Avram) oo shaqo doon ah masuulkan la kulmeyso.

Balse Deepika (Elli Avram) waa gabar uu horey u jeclaan jiray ka hor inta uusan sedexda xaas yeelanin sidaa darteed Kumar iyo Deepika wey is fahmayaan wuxuuna rabaa inuu xaaskiisa 4-aad ka dhigo!!!

Laakiin labada waalid (Sharat Saxena and Supriya Pathak) oo ah kuwo madax adag sidoo kalena dhib badan ayaa fikira Kumar ka hor imaanayaan.

Kumar labadiisa waalid kama war qabaan in wiilkooda sedex naag uu qabo halka ay hal naag u diidan yihiin inuu guursado.

Sheekada jah wareer kale ayaa ka dhalanaayo marka ay is bartaan Kumar sedexdiisa xaas sidoo kalena ay saaxiibo noqdaan balse isma ogo in hal nin dhamaantooda wada qabo!!!

Sidoo kalena sedexda xaas ee Kumar waxay saaxiibo la noqonayan Deepika waa gabadha uu xaaska 4-aad ka dhigi rabo Kumar.

Si lama filaan ah sedexda xaas ee Kumar waxaa lagu martiqaadaa inay kasoo qayb galaan meherka ama faraanti galiska Deepika iyo Kumar!!!!!

Hadaba qosolka iyo qaraaxada filimka Kis Kisko Pyaar Karoon ma ahan mid lasoo koobi karo sidaa darteed filimkan jah wareerkiisa iyo qaskiisa ma dhamaanayo.

Hadaba sedexda xaas ee Kumar ma is ogaan doonaa in hal  nin ka wada dhaxeeyo?

Kumar labadiisa waalid ee xanaaqa badan dib ma u heshiin doonaan sidoo kalena wiilkooda garab noocee ah ayay diin doonaan?

Kumar iyo Deepika arooskooda ma hirgali doonaa?

Ugu dambeyntii Kumar inuu sedex xaas qabo sidoo kalena mid 4-aad guursan rabo dadka oo dhan ma wada ogaan doonaan maxaana u dambeyn doono Kumar-kii wax kala dabari jiray?

Fadlan Hoos Ka Daawo Filimkan Oo Dhameestiran:

148 total views, 148 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan