Filim kasta Baahubali Ma Noqon Karo… Maxay tahay sababta?

0
2657

boxoffice

4-bilood ka hor filimka Baahubali wuxuu dhigay rikoor caalami ah wuxuuna noqday filimkii ugu horeeyay ee reer Koonfur Hindiya sameeyaan kaasi oo 100 Crore kasoo xareeyo gobolada Mumbai, Delhi, UP iyo East Punjab.

Reer koonfur Hindiya damac weyn ayaa galay waxayna suuq u arkeen Hindiya inteeda kale in filimadooda ay ka gadmi karaan marba hadii Baahubali siweyn loo soo dhaweeyay.

Sidaa darteed labadii todobaad ee aan kasoo gudubnay waxaa Af Hindi lagu codeeyay oo guud ahaan Hindiya oo dhan la saaray labada filim ee kala ah Puli iyo Rudramadevi.

Nasiib xumo labadan filim daadka ayaa qaaday mana laga soo dhaweynin guud ahaan gudaha Hindiya oo dhan weliba filimka Puli oo ay hogaamiye ka yihiin Vijay iyo Sridevi qasaaro xoog leh ayaa gobolada kale ee Hindiya kasoo gaartay.

Anushka Shetty iyo Rana Dagubbati oo Baahubali wax ka jileen iyagana wey awoodi waayeen in filimkooda Rudramadevi ay ka gadaan gobolada kale ee Hindiya midaasna waxay sababtay in filimkan ay iska diidaan shacab weynaha Hindiya.

Filimka Rudramadevi ayaaba roon madaama sheekadiisa lasoo dhaweeyay meelaha qaar sidoo kalena uu Telugu siweyn uga gadmay.

Hadaba filim walbo Baahubali ma noqon karo sidoo kalena sheekadii dabiiciga ahayd ayaa dib usoo laabatay taasi oo ahayd in aflaanta reer Koonfur Hindiya marnaba ka gadmi karin guud ahaan gobolada Hindiya oo dhan.

Sidaa darteed Super Star Ram Charan filimkiisa cusub Bruce Lee oo tiyaatarada la saari doono maalinta Jimcada kaliya Koonfur Hindiya ayaa laga daawan doonaa wuxuuna Ram Charan iyo kooxda iska leh filimkan diideen in Af Hindi lagu codeeyo sidoo kalena dhamaan gobolada Hindiya oo dhan laga daawado ayagoo ka cabsi qabaan in filimkooda lasoo dhaweyn waayo!