Hay’ada Tubta Nabada oo loo diidey in ay Marka ka shaqeeyaan, iyo Rag laga xir xiray.

0
1581

yariisow

Hay’ada Tubta Nabada oo ka mid ah NGO-yada ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya ayaa loo diidey in ay ka shaqeeyaan gudaha degmada Marka, iyadoo qaar ka mid ah howl wadeenadoodana la xir xiray.

“Cid alle cidii siminaaro been ah la timaado gobolka Shabeelaha hoose waan xir xireynaa” sidaasi waxaa yiri Maxamed Cusmaan Yariisoow, gudoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose.

“Dadka hay’ada Tubta Nabada ayaa jahawareerineysa, Ninkii ka socdey Kaamerada waan la qaadney, waana xirney, waana lala xisaabtamayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Dadkan waa is jecel yihiin, hase yeeshee hay’ada Tubta nabada ayaase ka dhex abuureysa colaad” ayuu mar kale yiri.